Deeq A. Posted January 26, 2020 Hoggaamiyaasha Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya ayaa maalmaha soo socda kulan ku yeelan doona magaalada Asmara. Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay in uu Asmara kula kulmi doono Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynaha Ereteriya Isaias Afwerki. Abiy Ahmed ma faahfaahin u jeedada kulankaas, belse waxa uu si kooban u sheegay in looga hadli doono arrimo badan oo horey looga hadli jiray. “Waxaan la kulmi doonaa walaalahay, hogaamiyaasha Ereteriya iyo Soomaaliya. Madaxweyne Isaias Afwerki, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi, waxaan ka wada hadli doonaa arrimo badan. Sida had iyo jeerba, waxaan hubaa in magaaladayaga qaaliga ah ee soo dhaweynta leh ee Asmara joogitaankeedu farxad igalin doonto” ayuu ku yiri qoraalkiisa Abiy Ahmed. I will be meeting with my brothers, the leaders of Eritrea and Somalia. President Isaias Afwerki, President Mohammed Abdullahi and I will discuss on a wide range of issues. As always, I am certain our dear and welcoming city of Asmara will make our stay delightful. pic.twitter.com/R6cALsuGxc— Abiy Ahmed Ali (@AbiyAhmedAli) January 26, 2020 Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa maanta gaaray magaalada Asmara ee xarunta Ereteriya, sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa in uu berri halkaas ka dego. Hoggaamiyaasha saddexda Dal ee Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya ayaa markii ugu horreysay kulan wadajir ah ku yeeshay magaalada Asmara, bishii December ee sanadkii 2018, waxayna heshiis horshac ah oo xiligaas ay kala saxiixdeen lagu qeexay in Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya yeeshaan iskaashi dhaqaale, amni, bulsho, dhaqan iyo siyaasadeed. Sidoo kale saddexda hoggaamiye ayaa 9-10 November, 2018 shir ku yeeshay magaalada Bahr Dar ee dalka Itoobiya, waxayna kulankoodaas labaad ee wadajirka ah ku sheegeen in uu astaan u yahay isbeddelka ku aaddan nabadda iyo isdhexgalka Geeska Afrika. Hoggaamiyaasha Soomaaliya, Ereteriya iyo Itoobiya ayaa dhowr jeer oo kale yeeshay kulamo gaar gaar ah, waxaana kii ugu dambeeyey bishaan horraanteedii Asmara ku yeeshay Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Afwerki. PUNTLAND POST The post Farmaajo, Abiy iyo Afwerki oo ku kulmaya Asmara appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites