Deeq A. Posted January 26, 2020 Garowe (SMN) – Wasiirka Waxbarashada Puntland, Cabdullaahi Maxamed Xassan, ayaa ka jawaabay hadal ka soo yeeray Wasiirka Tacliinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre. Isagoo warbaahinta kula hadlay Garowe, wasiir Xasan ayaa shaaca ka qaadey in hadalkaas uu mas’uuliyad darro yahay. Madaxda xukuumadda dhexe ayuu ugu baaqay in ay wax ka qabtaan erayadda dooda badan dhaliyey ee Goodax Bare. Goodax Bare ayaa tilmaamay in ardayda Puntland aan la siin doonin Shahaadada heer Federaal, maadaama maamul goboleedkooda Puntland aysan ka qeyb-gelin Imtixaanaadka dowladda federaalka ah. View the full article Share this post Link to post Share on other sites