Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo Taliyayaal Cusub Magacaabay.

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed,ayaa dikareeto ka soo baxday waxaa xilal cusub loogu magacaabay Taliyayaasha Booliska ee degmooyinka Guriceel, Matabaan iyo K/Gaalkacyo.

Taliyaha booliska degmada Guriceel ayaa loo magacaabay Daahir Faarax Axmed halka taliyaha saldhiga booliska Matabaan ayaa sidoo kale loo magacaabay Cabdifataax Maxamed Jaamac, K/Gaalkacyo ayaana taliyaha cusub ee booliska looga dhigay Maxamed Axmed Shire.

Taliiyaha  Ciidanka Booliska ayaa dhamaan faray Taliyayaashaan cusub in sida ugu dhaqsiyaha badan ay xilkooda kula wareegeen islamarkaana ay gutaan waajibaadkooda ku aadan shaqada ciidanka booliska.

Dikareetadaan ayaa waxaa ku saxiixnaa Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/G Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, isagoona qeybaha kale ee Booliska ee dowladgobaleed Galmudug iyo Hirshabeelle ku wargaliyay inay la socdaan xilwareejinta Taliyayaashaan cusub.

Halkaan ka Akhriso:

iiiiiiii-213x300.jpg

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this