Sign in to follow this  
Deeq A.

NISA oo amar dul dhigtay shacabka degmada Guriceel

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliska ciidamada nabad sugida ee ka howlgala degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa maanta amar dul dhigay shacabka ku dhaqan magaaladaasi.

Amarkaan oo lagu wargeliyey dhammaan dadka ayaa lagu sheegay in qof kasta oo gaari iibsanaya ama iibinaya laga rabo inuu ku soo wargeliyo laamaha amniga.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in ujeedada ay tahay sidii looga hortagi lahaa in gawaaridaasi loo adeegsado qaraxyo ama falal liddi ku ah nabad gelyada.

“Dhamaan gaadiidka lakala iibsanayo guddaha Guriceel ayaa la amrayaa in ay soo ogeysiiyaan laamaha amniga gaar ahaan Taliska Nabadsugida si looga hortago fulinta falal amniga lidi ku ah oo gaadiidka loo adeegsado, iibsadaha iyo qofka laga iibinayo waa in ay warqada kala wareejinta ka qaataan taliska NISA ee Guriceel ayaa lagu yiri”warka ka soo baxay taliska NISA ee degmada Guriceel.

Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa xoojiyey amniga deegaanada maamulkaasi oo dhowaan doorasho galaya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this