Sign in to follow this  
Deeq A.

Kheyre oo sagootiyey ciidan loo loo diyaariyey dagaalka Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta sagootiyay ciidamo ka tirsan Xoogga dalka oo loo diyaariyay ka qayb qaadashaya howlgallada ka dhanka ah dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab.

Ciidanka oo lagu tababaray xerada Gen. Gordan, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu uga mahad-celiyay naf-hurnimada ay uga qayb qaadanayaan badbaadinta shacabka Soomaaliyeed, waxuuna kula ballamay inay Al-Shabaab ka saaraan deegaannada loo qorsheeyay.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha oo ballan qaaday in madaxda dowladdu u dhammeystireyso dhammaan agabkooda ayaa saraakiisha iyo taliyaasha ciidanka kula dardaarmay inay ku dadaalaan sugnaanta xuquuqda ciidanka, una cadaalad falaan.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

unnamed-1-4-1024x683-1024x683.jpg unnamed-2-4-1024x665.jpg unnamed-3-2-1024x683-1024x683.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this