Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo la wareegtay deegaanka ka tirsan G/Hiiraan

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya Hiiraan ayaa ku warramaya in saaka Xarakada Al-Shabaab ay la wareegtay gacan ku heynta deegaanka Ceel-Cadde ee gobolkaasi.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in Al-Shabaab ay weerar ku soo qaaday deegaankaasi, islamarkaana dagaal ay la gashay maleeshiyaad ku sugnaa halkaasi.

Ceel-Cadde ayaa 55 KM u jira magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, wuxuuna ka mid ahaa deegaanada ugu nabdoon ee gobolkaasi.

Shalay ayey aheyd markii dagaalyahannada Al-Shabaab ay weerareen deegaanka Farlibaax, inkastoo guddoomiyaha deegaankaasi uu beeniyey inay qabsadeen.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this