Deeq A. Posted January 26, 2020 Wararka ka imaanaya Hiiraan ayaa ku warramaya in saaka Xarakada Al-Shabaab ay la wareegtay gacan ku heynta deegaanka Ceel-Cadde ee gobolkaasi. Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in Al-Shabaab ay weerar ku soo qaaday deegaankaasi, islamarkaana dagaal ay la gashay maleeshiyaad ku sugnaa halkaasi. Ceel-Cadde ayaa 55 KM u jira magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, wuxuuna ka mid ahaa deegaanada ugu nabdoon ee gobolkaasi. Shalay ayey aheyd markii dagaalyahannada Al-Shabaab ay weerareen deegaanka Farlibaax, inkastoo guddoomiyaha deegaankaasi uu beeniyey inay qabsadeen. View the full article Share this post Link to post Share on other sites