Sign in to follow this  
Deeq A.

Shaqaale ka tirsan W/Maaliyadda oo tababar loo furay

Recommended Posts

Deeq A.   

Cabdriraxmaan Ducaale Beyle wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta tababar u furay howlwadeeno ka tirsan xafiiska xisaabiyaha guud ee wasaaraddaasi.

Wasiir Beyle oo furitaanka tababarkaan khudbad ka jeediyey ayaa howlwadeenada kula dardarmaay inay ka faa’iideystaan mudada uu socdo aqoon kororsigaasi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay mar weliba ku daalayaa sidii loo hormarin lahaa xirfadda dhammaan shaqaalaha ka howlga qeybaha kala duwan ee wasaaraddaasi.

Wasaaradda maaliyadda Soomaaliya ayaa mid ah wasaaradaha ugu muhiimsan ee laf dhabarka u ah howlaha xukuumadda, waxaana muddooyinkii la soo dhaafay  sameyneysay horumaro ku aadan dhinaca maaliyadda iyo maamulka intaba.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this