Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo la siiyey diyaarado ay kula dagaalameyso Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Mareykanka ayaa lix diyaaradood oo kuwa dagaalka ah ku wareejiyay Kenya, si ay qeyb uga noqdaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Diyaaradaha lagu wareejiyay dowlada dalka Kenya ayaa ah nuuca loo yaqaano MD-530F, iyadoona ay kula wareegtay munaasabad ka dhacday Nairobi.

Taliyaha AFRICOM ee Mareykanka, General Stephen Towsend ayaa sheegay in diyaaradahaasi ay Kenya ka caawin doonaan inay sii xoojiyaan dagaalka looga soo horjeedo Xarakada Al-Shabaab oo weeraro ka fulisa qeybo ka mid ah dalkaasi.

Munaasabadda loogu wareejinayey diyaaradahaan xukuumada Nairobi ayaa waxaa ka qeyb galay diblomaasiyiin sar sare oo heer caalami ah, xildhibaano iyo xubno ay wasiiro ku jiraan oo ka mid ah golaha wasiirada ee wadanka Kenya.

Ma’ahan markii ugu horreysay oo uu Mareykanka deeq Milatari siiyo Kenya oo ay iska kaashadaan dagaalka adag ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this