Deeq A. Posted January 26, 2020 Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab ay toogasho ku fuliyeen illaa saddex ruux oo ay kooxdu ku eedeysay inay askar ahaayeen. Al-Shabaab ayaa raggaan ku eedeeyey in labo ka mid ah ay ahaayeen askar, kuwaas oo ka kala tirsanaa ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland, halka midka sadexaadna lagu eedeeyey inuu la shaqeynayey ciidamada Kenya ee ka howlgalka deegaanka Hoosingow. Toogashada ayaa ka dhacday fagaare ku yaalla degmada Kamsuuma ee gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo ay gacanta ku hayaan dagaalyahannada Al-Shabaab. Sidoo kale fagaaraha saddexdaan qof lagu toogtay waxaa ku sugnaa dadweyne la’isugu yeeray halkaasi iyo xubno sar sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab 1-Muuse Xuseen Siyaad oo ay Al-Shabaab sheegeen in uu ka tirsanaa ciidamada Mareykanka uu tababaray ee Bangaraafta, kaas oo ay sheegeen inay k asoo qabteen wadada u dhaxeysa degmooyinka Walanweyn iyo Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. 2-Xuseen Maxamed Cabdi Arsal oo ay Al-Shabaab ku sheegeen in uu ka tirsanaa ciidamada Jubbaland, gaar ahaan kuwa ka howlgala deegaanka Baarsanguuni. 3: Falliir Yaroow Cali oo 75 sana jir ah kaas oo Shabaab sheegeen in uu la Shaqeynayey ciidanka Kenya, gaar ahaan kuwa ku sugan deegaanka Hoosingoow ee Jubbada Hoose. Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa xukuno u badan dilal ka fulisa deegaanada ay gacanta ku heyso ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Share this post Link to post Share on other sites