Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab Oo la wareegtay gacan heynta deegaanka Ceel-Cadde

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in saaka dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab ay la waregeen gacan ku heynta deegaanka Ceel-Cadde oo ka tirsan gobolkaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in Al-Shabaab weerar dhowr jiho ah ay ku qaaday deegaanka, kadibna ay la wareegtay gabi ahaan gacan ku heyntiisa.

Ceel-Cadde ayaa waxaa horay ugu sugnaa maleeshiyaad deegaanka ah oo is abaabulay, kuwaas oo iska hor imaadka kadib isaga soo baxay halkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray in dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab ay isku fidiyeen deegaanka, islamarkaana ay ka bilaabeen dhaq dhaqaaqyo cusub.

Xaaladda ayaa hadda kacsan, waxaana mar weliba laga cabsi qabaa in markale dagaal uu dhoco, maadaama maleeshiyaadka dhankooda ay wadaan abaabul xoogan.

Shalay ayey aheyd markii muddo kooban Al-Shabaab ay qabsatay deegaanka Farlibaax oo qiyaastii 45 u jira magaalada Beledweyne.

Hiiraan waxaa ku xoogan dagaalyahannada Al-Shabaab, waxaana ugu yaalla saldhigyo ciidan iyo maxkamado ay dadka ugu yeeraan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this