Deeq A. Posted January 26, 2020 Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaaa sheegaya in xalay dagaal uu ka dhacay deegaanka Bariire oo dhaca duleedka degmada Afgooye ee gobolkaasi. Dagaal ayaa waxuu u dhaxeeyey ciidanka Milatariga Soomaaliya iyo dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al-Shabaab. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu yimid, kadib markii Xoogaga Al-Shabaab ay weerareen saldhig ciidan oo ku yaalla halkaasi. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaan iyo weerarka ka horreeyey intaba. Xaaladda ayaa lagu soo warramayaa inay saaka degan tahay, waxaana goobihii lagu dagaalamay ku sugan ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites