Deeq A. Posted January 26, 2020 Hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya ayaa sheegtay in si KMG ah loo hakiyey qabashada codsiyada Baasaboorka Soomaaliya. Qoraal ka soo baxay hay’adda ayaa lagu sheegay in mudo todobaad ah la hakin doono qaadashada baasaboorka, taas oo ka bilaabaneysa 27-ka Jannaayo illaa 2-da Febaraayo. Sidoo kale sababta ayaa lagu sheegay inay jiraan howlo farsamo iyo horumarin ku socota habka bixinta Baasaboorka. “Howlo farsamo iyo hormarin ah oo ka socda habka bixinta baasaboorka awgood, waxaa muwaadiniinta Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan lagu wargelinayaa in laga bilaabo Jannaayo 27, 2020 (Maalinta Isniinta) ilaa Febaraayo 2, 2020 (Maalinta Axadda ah) la hakiyey qabashada codsiyada baasaboorka” ayaa lagu yiri qoraalka hay’adda socdaalka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites