Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiisad xoogan oo ka taagan degmada Baardheere

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in saaka xiisad xoogan ay ka taagan tahay gudaha degmada Baardheere ee gobolkaasi.

Xiisada ayaa timid kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa dowlad goboleedka Jubbaland oo uu hoggaaminayo guddoomiyah degmada Baardheere ee uu maamulkaasi soo magacaabay, Ismaaciil Sheekh Cabdi Qorax ay la wareegeen xarumo muhiim ah oo ku yaalla halkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya, islamarkaana taageersan maamulka ay Baardheere u magacowday dowladda federaalka ay ka goodeen tallaabadaasi, islamarkaana ay dhankooda bilaabeen dhaq dhaqaaqyo cusub.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana laga cabsi qabaan in dagaal u dhexeeya labada dhinac uu ka qarxo halkaasi.

Dhinaca kale Ismaaciil Sheekh Cabdi Qorax oo ah ninka ay Jubbaland soo magacowday ayaa eedeyn u jeediyey dowladda Soomaaliya, kadib wareysi uu siiyey Shabelle.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Bardheere-1.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this