Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidan cusub oo Gedo laga dejiyey iyo Al-Qaadi oo ka warramay xaalad halis ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Baardheere (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka gobolka Gedo Sheekh Maxamed Xuseen Isxaaq Al-qaadi ayaa ka hadlay ciidamo ay dowladda Soomaaliya geysay degmooyin ka tirsan gobolkaas.

Al-Qaadi oo u waramay Idaacadda Kulmiye ee Muqdisho ayaa sheegay in ciidamo afduuban todobaadkii hore ay dowladdu ka dejisay degmada Baardheere, balse markii ay ka dagaalameen arrinka ciidankaas lagu geeyey Baardheere loo qaaday dhanka degmada Luuq ee isla gobolka Gedo.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in shalay ciidan kale oo tiro ahaan gaaraya 70 askari ay dowladdu ka dejisay degmada Luuq oo ay horay ugu sugnaayeen ciidankii ka socday dowladda federaalka ee laga soo celiyey Baardheere.

Sheekh Maxamed Xuseen Al-qaadi ayaa ka digay in dagaal uu ka dhaco gobolkaas, isagoo sheegay in dhankooda aysan diyaar u aheyn dagaal aan aheyn kan Shabaab ay kula jiraan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in arrinka ciidamada lagu geynayo gobolkaas ay gadaal ka riixayaan laba nin oo ka tirsan Nabad sugidda Soomaaliya oo uu ku kala sheegay, Sakeriye iyo ina Kulone, isla markaana aysan madaxda dowladdu wax badan ka ogeyn falalka ay ragas ka wadaan gobolka, kuwaas oo uu ku tilmaamay kuwo dadka ka hor keenaya dowladda.

Dhinaca kale guddoomiye Al-qaadi ayaa sheegay in uusan jirin sharci u ogolaanaya dowladda federaalka inay soo magacaawdo maamul gobol, maadaama uu dalka ka jiro nidaam federaal ah, dowlad goboleedna ay hoos tagaan.

Halkan ka dhageyso wareysiga Al-Qaadi

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/01/Wareysi-Al-qaadi.mp3

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this