Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo heshay musharax doorashada Galmudug ee la diiday ‘u camira’ Qoor Qoor

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa heshay musharax magac u yaal ah oo doorashada madaxweynaha Galmudug kala qeyb-gala musharaxa ay wadato ee Axmed Cabdi Qoor Qoor, kadib markii doorashada ay qaadaceen musharaxiinta kale.

Axmed Shire Maxamed Falagle oo ka mid ahaa taageerayaashii Musharax Axmed Qoor Qoor, qeybna ka ahaa ololihiisa ayaa xilli dambe oo shalay ah isku sharaxay xilka madaxweynaha Galmudug.

Sawirada Falagle ayaa shalay galab la suray waddooyinka Dhuusamareeb, ayada oo la filayo inuu maanta si rasmi ah isu diiwaan geliyo, si uu u noqdo musharaxa kaliya ee la tartama Musharax Axmed Qoor Qoor.

Go’aankan ayaa la rumeysan yahay in la qaatay ayada oo dowladda federaalka ah ay dareentay inay ceeb iyo fadeexad weyn noqon doonto in la qabto doorasho aanay cidna kula tartamin musharax Qoor Qoor.

Xildhibaanada Galmudug qaarkood oo la hadlay Caasimada Online ayaa musharaxnimada Falagle ku macneeyey tallaabo doorashada loogu “camirayo” Qoor Qoor, sababtoo ah Falagle oo la ogaa inuu ku jira ololaha Qoor Qoor, islamarkaana la hayo sawirro badan oo sidaas muujinaya.

84730097_2669409309781250_37351412569766Si kastaba waxaan la ogeyn isida ka qeyb-galka Falagle ay u sharciyeyn karto doorashada, maadaama ay diideen mucaaradka iyo Ahlu-Sunna, taasi oo ah waxa ay eegeyso beesha caalamka.

Afar ka mid ah musharaxiinta madaxweynaha Galmudug, oo kala ah, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa, Cabdullaahi Faarax Wehliye, Kamaal Daahir Guutaale, iyo Cabdi Axmed Cabdi Dheere ayaa Jimcihii ku gacan seeray doorashada.

Musharxiinta ayaa gebegebadii shir ay yeesheen waxay isla garteen in ay kaliya ka qeybgeli karaan doorashada lagu wado in Galmudug ay ka dhacdo todobaadyada soo socda haddii la helo shuruudo ka kooban 6 qodob.

Shuruudaha musharaxiinta ayaa waxaa ugu weyn in la sameeyo guddi doorasho cusub, kaasoo ay ku midaysan yihiin dhinacyada kala duwan ee ay doorashadu khusayso, ayadoo si wada-oggol ah la iskula meel-dhigayo jadwalka iyo habraacyada doorashada.

Musharaxiinta ayaa sidoo kale dalbaday in Ahlu-Sunna Waljamaaca ay qeyb ka ahaato hanaanka iyo habsami u socodka hawlaha dhiman.

Waxa ay sidoo kale dalbadeen, In la helo dhinac 3-aad oo korjoogteeya arrimaha doorashada Galmudug, si looga hortago wax isdaba-marin, musuqmaasuq, laaluush iyo adeegsi awood loo isticmaalayo arrimaha doorashada iyo codbixiyaasha.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this