Deeq A. Posted January 25, 2020 Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddo todobaad ah hakisay qabashada codsiyada baasaboorka. Fariin kooban oo ay hay’addu soo dhigtay barteeda Facebook-ga ayey ku sheegtay in laga bilaabo Jannaayo 27 ilaa Febaraayo 2, 2020 la hakiyey qabashada codsiyada baasaboorka. Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya waxay sheegtay in sababta hakadka keentay ay tahay howlo farsamo oo ka socda habka bixinta baasaboorka. “Howlo farsamo iyo hormarin ah oo ka socda habka bixinta baasaboorka awgood, waxaa muwaadiniinta Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan lagu wargelinayaa in laga bilaabo Jannaayo 27, 2020 (Maalinta Isniinta) ilaa Febaraayo 2, 2020 (Maalinta Axadda ah) la hakiyey qabashada codsiyada baasaboorka” ayaa lagu yiri fariinta hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya. WARGELIN MUHIIM AHHowlo farsamo iyo hormarin ah oo ka socda habka bixinta baasaboorka awgood, waxaa muwaadiniinta…Posted by IND Somalia on Saturday, January 25, 2020 PUNTLAND POST The post Baasaboorka Soomaaliya oo la hakiyey appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites