Deeq A. Posted January 25, 2020 aliyaha Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM Gen. Tigabu Yilma iyo wefdi saraakiil ah uu hogaaminayo ayaa maanta oo Sabtiya gaaray Degmada Dhoobley ee Gobalka Jubbada Hoose. Taliyaha ayaa booqday saldhigyada Ciidanka Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ay ku leeyihiin Degmada Dhoobley, isaga oo halkaas kulan kula qaatay Saraakiisha Ciidamada, wuxuuna kala hadlay arrimo kaka duwan. Taliye Tigabu Yilma ayaa waxaa uu Saraakiisha Ciidanka dowladda Kenya ee ku sugan Dhoobley kala hadlay xaaladda guud ee Gobolka gaar ahaan tan degmada iyo mida nololeed ee Ciidamada ku sugan yihiin. Wuxu ku booriyay iney sii laba jibaaraan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo sidii looga saari lahaa deegaanada ay ku harsan yihiin gobolkaasi. PUNTLAND POST The post Taliyaha Ciidamada AMISOM oo booqday degmada Dhoobley appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites