Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Taliyaha ciidanka AMISOM oo gaaray Dhoobley

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyaha ciidamada howgalka nabad ilaalinta ururka Midowga Africa AMISOM ee Soomaliya, Generaal Tigabu Yilma ayaa booqday ciidamada qeybta ka ah howgalka AMISOM ee ku sugan degmada Dhoobley, gobolka Jubbada Hoose ee K/Soomaaliya.

Generaal Tigabu Yilma ayaa markii uu gaaray degmadaasi waxa ugu horreyn booqday xarumaha ay ku sugan yihiin  ciidamada, isaga oo u kuur galay xaaladda ay ku shaqeeyaan iyo sida uu u socda howgalkooda gobolka Jubada Hoose.

Ciidamada qeybta ka ah howgalka AMISOM ee  ku sugan degmada Dhoobleey ayaa kala ah ciidamo ka soo jeeda dalka Kenya iyo kuwo kale oo ka soo jeeda dalka Itoobiya oo iyana sidoo kale ka howlgalka qeybo kamid ah Jubooyinka.

Markii uu gaaray degmada Dhoobleey taliyaha AMISOM ayaa waxaa soo dhoweeyey taliyaha qeybta labaad ee ciidamada AMISOM, General Dickson Ruto, kaas oo taliyaha u faah faahiyey sida uu u soconayo howlgalka ay ka wadaan gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya iyo guulaha laga gaaray.

Ugu dambeyn taliye Tigabu Yilma ayaa ciidamada jooga Dhoobley uga mahadceliyey dedaalka ay ku bixinayaan dhinaca ammaanka,isagoo aamaan iyo boggaadin ugu jeediyay sida ay u gudanayaan waajibaadka shaqo ee saaran.

Degmada Dhoobley oo 729 KM uga beegan koonfur galbeed magaalada Muqdisho ayaa ah marin muhiim ah oo isku xira magaalada Kismaayo iyo magaalada xuduuda Kenya laga galo ee Liboy oo u dhOw xeryaha qaxootiga Dhadhaab, halkaas oo Malaayin qaxooti Soomaali ah ay deegaansadeen kadib dagaaladii sokeeye ee ka dhacay dalka.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

AMISOM 0200

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this