Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah Faahin: Qarax Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax ka dhacay degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho, waxaana qaraxan ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Qaraxa ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoysyada Xoosh iyo Ex-control, waxaana la sheegay inuu ahaa mid ku xirnaa gaari halkaasi marayey.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxan ku dhintey Labo qof oo la sheegay in gaariga ay saarneyd, waxaana ku dhaawacmay qof kale.

Ciidamada DFS ayaa lagu soo waramayaa in halkaasi ay gaareen, islamarkaana ay sameeyeen baaritaanno aan weli natiijadooda la shaacin.

Maamulka degmada Dharkeenley iyo hay’adaha ammaanka ee degmadaasi ayaanay jirin faah faahin ay ka bixiyeen qaraxaasi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this