Deeq A. Posted January 25, 2020 Kismaayo (Caasimada Online) – Taliyaha guud ee ciidanka AMISOM Gen. Tigabu Yilma iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saacadihii la soo dhaafay gaaray degmada Dhoobleye ee gobolka Jubbada Hoose, waxaana halkaasi loogu soo dhoweeyey si diiran. Taliyaha ayaa ugu horreyn booqday saldhig ay ciidanka Kenya ee qeybta ka ah AMISOM ku leeyihiin degmadaasi, isagoo kulan la qaatay saraakiisha ku sugan halkaasi. War ka soo baxay AMISOM, islamarkaana ku aadanaa socdaalka taliye Gen. Tigabu Yilma oo u dhashay dalka Itoobiya ayaa lagu sheegay inuu safarkiisa ugu kuur galayey xaaladda ciidamada iyo sidoo kale howlgallada ka dhanka ah Xarakada Al-Shabaab. Sidoo kale wuxuu ciidanka markii uu xog-wareystay kadib kula dardaarmay inay xoojiyaan dhaq dhaqaaqyadooda iyo howlgallada ay ka wadaan gobollada Jubbooyinka. Safarka taliyaha ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM aya ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada huwanta ay kordhiyeen howlgalladooda Milatari, iyaga oo Al-Shabaab ka saaray deegaano dhowr ah oo dhaca K/Soomaaliya. Share this post Link to post Share on other sites