Sign in to follow this  
Deeq A.

Aaabe wiilkiisa curadka ku Gowracay magaalada Jowhar

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya Jowhar ayaa sheegaya in Aabe xalay wiilkiisa curadka ahaa uu ku Gowracay magaalada Jowhar ee Caasimadda maamulka HirShabelle.

Falkaan naxtinta leh ayaa ka dhacay waaxda Faanoole oo ka tirsan xaafadda Horseed ee magaaladaasi, kadib markii Aabe lagu magacaabo Cismaan Ibraahim uu wiilkiisii oo la oran jiray Ibraahim Cismaan uu Minid ku gowracay, kaas oo isla goobta ku dhintay.

Marxuum Ibraahim ayaa 14 jir ahaa, waxaana sababta uu Aabahan wiilkiisa u dilay lagu sheegay, kadib markii uu wiilka booqday Hooyadiis oo ay Aabuhu kala tageen.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Aabe Cismaan Ibraahim uu goobta isaga baxsaday falka kadib, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah,.

Dhinaca kale mas’uuliyiin ka tirsan maamulka HirShabelle ayaa tegay guriga qoyskaas, waxaana haatan socda baaritaano lagu baadi goobayo Aabaha geystay dilkaasi.

Dhacdadaan ayaa si aad ah waxaa saaka looga hadal hayaa guud ahaan magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this