Deeq A. Posted January 25, 2020 Madaxweynaha mamaulka Puntland, Siciid C/laahi Maxamed Deni ayaa kulan kula qaatay Nairobi wakiilka urur goboleedka IGAD ee Soomaaliya, Maxamed Cali Guyo. Madaxweyne Deni iyo wakiilka IGAD ayaa ka wada hadlay xaaladda Soomaaliya, wada shaqaynta IGAD iyo Puntland, amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada. Dhanka kale Madaxweynaha Puntland ayaa Nairobi kula kulmay safiirka France u qaabilsan wadamada Soomaaliya iyo Kenya, Ambassador Aline Kuster-menager. Kulanka oo ay sidoo kale ka qeyb galeen qunsulka safaarada France u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Emmanuel Dagron-Halim iyo masuuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Puntland ayaa waxaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan siyaasadda, amniga iyo mashaariicda horumarineed ee ka socda maamulkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites