Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha aqalka sare oo ka doodaya sharci muhiim ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in ay akhrinta koowaad marsiiyaan Hindise sharciyeedka Hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed.

Maareeyaha Hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed mudane Axmed Macallin Xasan oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in sharcigaan uu muhiim u yahay dalka,isagoo aqalka sare ka codsaday in ay meel mariyaan si adeegyo badan oo hadda aysan awood u leheyn ay ugu qabtaan bulshada Soomaaliyeed maadaama dalku uusan laheyn sharci duulis.

Xildhibaannada Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa horay usoo meelmariyay sharciga Hay’adda duulista rayidka, waxaana la filaa in Aqalka sare uu meel mariyo kaddib markuu marsiiyo heerarka Akhrinta ee sharcigaan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this