Sign in to follow this  
Deeq A.

Khasaaraha Ka Dhashay Dhul-Gariir Xooggan Oo Ku Dhuftay Dalka Turkiga

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Ankara)-Dhul-gariir xoog badan ayaa waxa uu ku dhuftay bariga waddanka Turkiga, halkaas oo ay guryo ku soo dumeen ayna ku dhinteen ugu yaraan 18 qof.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Turkiga Sulaymaan Soylu ayaa sheegay in shan boqol oo qof oo kale ay dhulgariirka ku dhaawacmeen.

Waxa uu sheegay in kooxaha gurmadka degdega ah ay baadigoobayaan 30 qof oo ku xayiran burburka hoostiisa.

Dhul-gariirka ayaa ku dhuftay bariga Turkiga abaare 9-kii fiidnimo ee xilliga dalkaasi, waxaa uuna dhulka ku daray dhismooyin iyadoona la arkayay dadka deegaanka oo ku cararyay waddooyinka.

Boqaal shaqaalaha samatabixinta ayaa lagu dabaalay gudaha iyo banaanka deegaankaasi.

Waxay isticmaalayeen, cagaf-cagafyo, agabka korontada iyo xitaa gacmahoodo si ay usoo samatabixaayn daka ku xayitan dhismooyinka buburay

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this