Sign in to follow this  
Deeq A.

Aqalka sare oo maanta Akhrinta koowaad marsiinaya Sharciga Hay’adda Duulista Rayidka

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta oo Sabtiya  akhrinta koowaad marsiiyaan Hindise sharciyeedka Hay’adda duulista Rayidka ah ee Soomaaliyeed.

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya, Axmed Macallin Xasan oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in sharcigaan uu muhiim u yahay dalka,isagoo aqalka sare ka codsaday in ay meel mariyaan si adeegyo badan oo hadda aysan awood u laheyn ay ugu qabtaan bulshada.

Xildhibaannada Golaha Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa horay usoo meelmariyay sharciga Hay’adda Duulista Rayidka, waxaana la filaa in Aqalka sare uu meel mariyo kaddib markuu marsiiyo heerarka Akhrinta ee uu mudanyahay.

PUNTLAND POST

The post Aqalka sare oo maanta Akhrinta koowaad marsiinaya Sharciga Hay’adda Duulista Rayidka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this