Deeq A. Posted January 25, 2020 Allaha u naxriistee waxaa magaalada Jigjiga ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ku geeriyooday fanaankii Soomaaliyeed ee Daa’uud Cali Masxaf oo mudDooyinkii ugu dambeeyey ku xanuunsanayay gudaha dalka Itoobiya. “Inaa Lilaahi wa Inaa Ileyhi Raajicuun, Allaha u naxariisto waxaa hadda isoo gaartay geerida Fanaanka Caanka ah Daa”uud Cali Masxaf oo muddooyinkaan ku noolaa magaalada Jigjiga ee Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya”. ayuu yir Ismaaciil Oranjo afhayeenka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Dhanka kale wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayri Maareeye oo ka tacsiyadeyeey geeriada Al-Fanaan Daa’uud Cali Masxaf oo ka tirsanaa Hobalada Qaranka ee Waaberi ayaa eebe uga baryay in uu janadii Fardowso uu ka waraabiyo. Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa si gaar ah uga tacsiyadeyeey Hobalada Qaranka ee Waaberi oo uu ka tirsana aiyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed gaar ahaan eheladiisa. View the full article Share this post Link to post Share on other sites