Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Puntland oo IGAD kala hadlay doorashada 2020/2021

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa saacadihii la soo dhaafay kulan gaar ah la qaatay wakiilka gaarka ee IGAD u qaabilan Soomaaliya, Maxamed Cali Guyo.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa arrimaha looga hadlay ka mid ahaa doorashooyinka soo socda ee la filayo in dhowaan ay ka dhacaan Soomaaliya, gaar ahaan sida loo wajahayo, maadaama uu weli u jiro khilaaf u baahan in la xaliyo.

Labada dhinac ayaa isla qiray inay muhiim tahay la gaaro xal siyaasadeed ka hor doorooshiyinka 2020/2021, si ay doorashada ugu dhacdo qaab hufnaan oo xor iyo xalaal ah.

Sidoo kale waxaa kulanka Madaxweyne Deni ergeyga IGAD ee Soomaaliya lagu soo qaaday mashaariicda horumarineed  ee urur goboleedkaan uu ka taageero dowlad goboleedka Puntland, amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada rayidka.

Siciid Cabdullaahi  (Deni) oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Nairobi ayaa kulamo ka waday gudaha magaaladaasi, isagoo la kulamy mas’uuliyiin uu ka mid yahay Safiirka France u qaabilsan arrimaha dalalka Soomaaliya iyo Kenya ,Ambassador Aline Kuster-menager, kaas oo ay uga wada hadleen xaaladda dalka.

Kulamadaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo weli mad madow siyaasadeed oo saameeyey xiriirka iyo wada shaqeynta Puntland iyo dowladda dhexe uu u dhexeeyo labada dhinac.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this