Deeq A. Posted January 24, 2020 Muqdisho (SMN) – Taliska Ciidamada Asluubta Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in ay jiraan dhul uu leeyahay oo ay ku daneysanayaan shaqsiyaad. Sarreeye Guuto Mahad Cabdiraxmaan, taliyaha Asluubta Soomaaliya, ayaa shaaciyey in ay ku howlan yihiin sidii ay dib ugu soo celin lahaayeen. Mr Cabdiraxmaan oo hadalkiisa sii wata ayaa daboolka ka qaadey in qorshahooda uu yahay in nidaamka soo celin ay u maraan si sharci ah. Isagoo hadalkiisa sii wata, taliye Mahad ayaa ku booriyey muwaadiniinta haysta dhulkaas in ay si nabad ah isaga soo celiyaan hantida qaran. Hadalkan ayuu sheegay xili uu wareysi siiyey Barnaamijka Madasha ee ka baxa Talafishinka Caalamiga ah ee Shabelle xaruntiisa dhexe ee Muqdisho. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/SAS.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites