Deeq A. Posted January 24, 2020 Balcad (Caasimada Online) – Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta qarax uu ka dhacay jidka u dhexeeya Balcad iyo Jowhar. Sida ay xaqiijiyeen ilo wareed ku sugan magaalada Balcad, qaraxan ayaa lala beegsaday baabuur ay leeyihiin ciidamada dawladda oo marayey Degaanka Sayga oo Waqooyi ka xiga magaalada Balcad. Qaraxan ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen askar dhowr ah. Gurmad ayaa la sheegay inuu socdo, kaasi oo lagu daadguraynayo askarta ku dhaawacantay qaraxaasi. Dowladda Soomaaliya iyo kooxda Al-Shabaab weli wax war ah kama aysan soo saarin qaraxan. Waddadan iyo guud ahaan gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa amniga aad u xumaa bilihii tagay, ayada oo ay kusii xoogeysanayeen dagaal-yahanada kooxda Al-Shabaab. Arrintan ayaa la rumeysan yahay inay ugu wacan tahay ayada oo dagaal-yahanno badan ay kasoo carareen gobolka Shabeellaha Hoose eek u dheggan Shabeellaha Dhexe, halkaasi oo ay howl-gallo ka wadaan ciidamada dowladda. Marar badan ayaa dadka deegaanka waxa ay ka codsadeen dowladda inay howl-gallada kusoo fidiso gobolka Shabellaha Dhexe, balse weli ma jirto cid dhageysatay dalabkooda. Share this post Link to post Share on other sites