Deeq A. Posted January 24, 2020 Muqdisho (SMN) – Wiil dhalinyaro ahaa ayaa la sheegay in maanta lagu dilay agagaarka xarunta degmada Karaan ee magaalada Muqdisho. Goobjoogeyaal ayaa sheegay in dabley la socotay Bajaaj ay ka dambeeyeen falkaas, kuwaasoo baxsaday kadib toogashada. Marxuumka oo meydkiisa ay meesha kaga tageen ayaa la sheegay in uu saarnaa Mooto Bajaaj kale oo uu wadday. Ma cadda sababta loo beegsaday marxuumka iyo waxa uu ahaa. Wararka ayaa intaas ku daray in kooxaha dilka geystay ay soo racdeysanayeen wiilka la dilay oo Mootada kusoo baxsaday. Maalmihii lasoo dhaafay magaalada Muqdisho waxaa aad ugu yaraa dilal noocaan ah, waxay ka dambeysay markii la kordhiyey kontaroolada. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Bajaaj.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites