Sign in to follow this  
Deeq A.

Qodobo laga soo saarey shirar ka dhan ah Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (SMN) – Shirar looga hadlayo ammaanka iyo sidii meel qura looga soo wada wada jeesan lahaa Dowladda iyo Shacabka Kenya Al-Shabaab ayaa waxay ka socdaan Deegaano katirsan Gobolka Waqooyi Bari ee Dalkaasi

Guddoomiyaha Ismaamulka Mandheera, Cali Ibraahim Roba, ayaa faah-faahin ka bixiyay qodobbadii kasoo baxay kulan shalay ka dhacay halkaasi oo looga hadlayay ammaanka iyo ka hortagga Weerarada Alshabaab.

Guddoomiyaha oo Warbaahinta la wadaagay qodobbadii kasoo baxay kulanka ayaa sheegay in ay ka Dowlad ahaan xoojin doonaan ilaalinta xadka ay Soomaaliya la wadaagaan, lana kordhin doono kormeerka xagga ammaanka ah ee ay Ciidamadu samaynayaan.

Mr Roba, ayaa sidoo kale sheegay in la xoojinayo xiriirka ka dhexeeya Shacabka iyo Askarta, lana joogteeynayo kulamada xagga ammaanka, iyadoo la samayn doono Boliis keyd ah oo tababaran, Dad soo gudbiya xogta Al-Shabaab iyo in Ardayda Iskuullada lagu bari doono dhibaada Xagjirnimada

Guddoomiye, Cali Ibraahim Roba, ayaa sheegay in ay Bulshada iyo maamulku isla go’aansadeen in ay mas’uuliyad wadareed buuxa iska saaraan sugidda nabad-gelyada Dalka.

Dhowaan ayay ahayd markii ay shirar noocan oo kale ahi ka dhaceen Magaalada Gaarrisa iyo degaanno ka tirsan Waqooyi Bari Kenya, iydoo Shacab iyo maamulba ay isla garteen in si wada jir ah looga hortago Falalka Amaanka ka dhanka ah.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this