Sign in to follow this  
Deeq A.

Caruur macluul ugu geeriyootay duleedka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Afar caruur ah ayaa la sheegay in ay macluul ugu geeriyoodeen kaamka Kuntuwaarey, degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

Caruurtaan ayaa kamid ahaa ku dhowaad 500 qoys kuwaasoo kusoo xaroodey Kaamka iyagoo kasoo barakacay gobolka Shabeellaha Hoose.

Daruufo isugu jira amni iyo xaalado abaaro ayaa kasoo qixiyey degaanadooda, iyagoo halkii ay u soo carareen aysan ka helin nolol wanaagsan.

Dhibaatooyinka ay sheegeen in ay wajahayaan ayaa isugu jira guri la’aan, caafimaad daro iyo cuno la’aan, waxayna dalbadeen gargaar degdeg ah.

Dowladda ayaa dhowaan shaacisay in ay u baahan tahay in ka badan hal bilyan oo Doolar si wax loogu qabto dadka soo barakacay ee Muqdisho ku sugan.

Hoos ka dhageyso warka oo cod ah

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/DO.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this