Deeq A. Posted January 24, 2020 Wararka ka imaanaya degaanka Shidan oo ka tirsan gobolka Sanaag, gaar ahaanna sii jeedka buuraleyda Calmadow ee kulaala Gacanka Cadmeed, ayaa sheegaya in halkaasi uu maanta ka dhacay dagaal culus oo u dhexeeya laba malayshiya-beeleed. Dad kala duwan oo ku sugan degmooyinka Ceerigaabo iyo Yubbe, ayaa warbaahinta Puntland Post u sheegay, in dagaalka oo subaxnimadii hore ee saaka bilowday uu istaagay goor dambe oo duhurnimadii ah, inkastoo aan weli la xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi. Wararku waxay sheegaayan, in dagaalka labada malayshiya-beeleed uu salka ku hayo macdan noocya kala duwan leh, oo ay halkaasi ka wada-guran jireen labada dhinac, balse markii dambe ay ku heshiin waayeen. Labada dhinac, ayaa dhowr jeer oo hore ku dagaallamay degaanka Shidan iyo nawaaxigiisa, waxaana odayaasha iyo waxgaradka degmada Yubbe ay Somaliland ku eedeeyeen, in ay taageero siinayso dhinac kamid ah malayshiyaadka. PUNTLAND POST The post Dagaal ka dhacay buuraleyda gobolka Sanaag appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites