Deeq A. Posted January 24, 2020 Astaan ay dhif tahay in la arko oo kasoo muuqatay cirka Brett Critchley ayaa sawiray calaamaddan oo ay dhif tahay in la arko, xilli uu ku sugnaa magaalada Tywyn, Gwynedd, oo ka tirsan Wales Qaanso roobaan midabkeedu caddaan kaliya yahay oo ay dhif tahay in la arko ayaa lagu sawiray meel badda dhinaceeda ah oo ku taalla deegaanka Gwynedd, oo hoos taga ismaamul goboleedka Wales. Astaantan oo ku timid cimilada hawada ayey subaxnimadii Kahmiista arkeen dadka ku nool magaalada Tywyn, oo dhinaca ku heysa xeebta. Qaanso roobaadkan oo sidoo kale loo yaqaanno qaanso roobaadka reer aakhiraadka ah, ayaa ka sameysanta marka ay is qabtaan iftiinka qorraxda iyo dhibcaha yar yar ee biyaha roobka ku jira daruuraha. Waxay ka duwan tahay qaanso roobaadka la wada yaqaanno ee midabbada kala duwan leh, taasoo ka dhalata marka ay isu soo aadaan iftiinka qorraxda iyo dhibcaha roobka da’aya. Maxay tahay qaanso roobaadda reer aakhiraadka ah? Mark Kendall ayaa sidoo kale sawiray astaantan Qaanso roobaadda cad waxay siyaabo badan ula mid tahay qaanso roobaadda caadiga ah ee mar walba la arko, laakiin waxaa u dhaxeeya farqi aad u weyn. Nidaam la yiraahdo (refraction = islafalgal), ayey fallaaraha iftiinka qorraxda ayaa marka uu ku dhaco dhibcaha waaweyn ee roobka wuxuu sameeyaa midabbo kala duwan oo inta badan aad loo arko, waxaana loo yaqaannaa Qaanso Roobaad. Hase yeeshee Qaanso Roobaadda midabkeedu caddaanka kaliya yahay waxay ka dhalataa falgalka dhibcaha biyaha khafiifka ah ee kasii fafiina dhibcaha waaweyn ee roobka iyo fallaaraha intiinka qorraxda. Qaanso roobaad cad oo lagu arkay Scotland Sawir aad u qurux badan oo muujinaya “Qaanso Roobaadda cad” ayuu Rannoch Moor ku qaaday galbeedka Scotland, bishii Nofember ee sanadkii 2016-kii. Calaamadda noocan ah ee cirka kasoo muuqata ayey seynisyahannadu sheegaan inay tahay mid aan si sahlan ku sameysmin, sidaas darteedna aan badanaa la arki karin. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites