Deeq A. Posted January 24, 2020 Baardheere (SMN) – Inta la xaqiijiyey hal qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay dagaal ka dhacay gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya. Iska hor-imaadka oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo iyo rag ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu ekeeyay saldhiga milatariga. Xerada la bartilmaameedsaday ayaa la wariyey in ay ku taalo koonfurta magaalada Baardheere ee gobolkaas Gedo. Ruuxa shacabka ah ee dhaawaca soo gaarey ayaa lagu waramy in ay haleeshay rasaasta ay is-weedaarsanayeen dhinacyadda. Ma jiro wax war ah oo ku saabsan dagaalkan oo kasoo baxay dhanka dagaalameyaasha Al-Shabaab iyo maamul goboleedka Jubaland. Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro noocaan ah waxay ku qaadaan fariisimaha ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulada. View the full article Share this post Link to post Share on other sites