Deeq A. Posted January 24, 2020 Muqdisho (SMN) – Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka Qaranka ayaa ku dhawaaqay in ay dhameystirayaan sharciga doorashooyinka dalka. Xaliimo Yarey, gudoomiyaha guddigaas, ayaa tilmaamtay in ay sharciyadan ay muhiim u yihiin doorashooyinka wadanka ka dhacaya 2020-21. Iyaddoo hadalkeeda sii wadata, Xaliimo Yarey ayaa daboolka ka qaadey in ay rajeynayaan in baarlamaanka uu kala shaqeyn doono arrintaas. Hadalka ayaa kusoo aadaya iyaddoo haatan sharciga doorashooyinka uu horyaalo Aqalka Sare, maadaama Golaha Shacabka meelmariyey. Sidda ay ka dhawaajisay Xaliimo Yarey, waxaa jira sharciyo kale oo muhiim u ah doorashooyinka kuwaasoo aanan wali la ansixin. Soomaaliya ayaa isku diyaarineysa doorashooyin qof iyo cod sanadka dambe 2020-21, waxaana dowladdu waqti badan gelineysaa hirgelinteeda. View the full article Share this post Link to post Share on other sites