Sign in to follow this  
Deeq A.

Sharciga doorashooyinka dalka oo la dhameystirayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka Qaranka ayaa ku dhawaaqay in ay dhameystirayaan sharciga doorashooyinka dalka.

Xaliimo Yarey, gudoomiyaha guddigaas, ayaa tilmaamtay in ay sharciyadan ay muhiim u yihiin doorashooyinka wadanka ka dhacaya 2020-21.

Iyaddoo hadalkeeda sii wadata, Xaliimo Yarey ayaa daboolka ka qaadey in ay rajeynayaan in baarlamaanka uu kala shaqeyn doono arrintaas.

Hadalka ayaa kusoo aadaya iyaddoo haatan sharciga doorashooyinka uu horyaalo Aqalka Sare, maadaama Golaha Shacabka meelmariyey.

Sidda ay ka dhawaajisay Xaliimo Yarey, waxaa jira sharciyo kale oo muhiim u ah doorashooyinka kuwaasoo aanan wali la ansixin.

Soomaaliya ayaa isku diyaarineysa doorashooyin qof iyo cod sanadka dambe 2020-21, waxaana dowladdu waqti badan gelineysaa hirgelinteeda.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this