Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynihii hore ee Galmudug oo kulan la qaatay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynihii hore ee Galmudug ahna musharax madaxweynaha qaranka ee sanadka 2021-ka Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa kulan la qaatay madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Cabdikariin Guuleed ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebook, waxa uu ugu mahad celiyey madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle garab istaaga joogtada ah iyo raadintiisa dib u yagleelidda qaran Soomaaliyeed.

Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa sidoo kale sheegay inay kulankaas madaxweyne Ismaaciil iskaga xog wareysteen arimaha Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka Cabdikariin Guuleed

Waxaa sharaf weyn ii aheyd inaan maanta kulan qiimo leh la qaatay Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, madaxweynaha dalka aynu walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti, madaxweynaha oo ah oday Soomaaliyeed oo dadaal weyn ku bixiyey kuna bixiya dib u dhiska iyo dib u soo kabashada qarankii Soomaaliyeed.

Kulanku waxuu la xiriiray is xog-wareysi ku aadan arimaha Soomaaliya iyo arimaha gobalka.

Waxaan madaxweynaha iyo dowladda Jabuutiba oga mahad celinayaa dowrka walaaltinimo ee lama iloobaanka ah ee ay ka geestaan arimaha Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this