Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Dayniile oo lagu eedeeyey boobka dhul ay shacab leeyihiin

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Qoyska reer Sayid Cali Sheekh Axmed Mataan oo degan degmada Deyniile ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in guddoomiyaha degmada Deyniile Maxamed Abuukar Jacfar uu si xoog ah uga kicinayo dhul ay ku leeyihiin degmadaas.

Dhulkaas ayaa ku yaalla xafadda Jabad-Cadde ee degmada Deyniile, waxayna sheegeen qoyskan in dhulkoodu uu sharciyeysanyahay, isla markaana ay u heystaan Sabar-loog ay bixisay dowladdii dhexe ee Maxamed Siyaad Barre oo u sharciyeeysay qoyskooda reer Sayid Cali Sheekh Axmed Mataan.

Qoyskaas ayaa sheegay in guddoomiyaha degmada Deyniile Maxamed Abuukar Jacfar uu ku amray inay baneeyaan dhulkooda, isagoo ku war geliyey inuu ka sameynayo garoon diyaaradeed.

Maxamuud Maxamed Seyid Cali oo ka mid ah qoyska reer Sayid Cali ayaa sheegay in guddoomiye Jacfar oo ciidamo wata uu galabta tegay dhulkaas, isagoo ciidamadii ku amray inay burburiyaan, kuwaas oo burbur u geystay guryahoodii.

Sidoo kale Maxamuud Maxamed Seyid Cali oo ka mid ah xubnaha u dhaqdhaqaaqa qoyskaas ayaa sheegay in jirdil loo geystay xubno ka tirsan qoyska oo ay ku jirto xaaskiisa oo xaamilo ah, isagana guddoomiye Jacfar uu ugu hanjabay xarig hadii uusan baneyn dhulkaas.

Madaxda dowladda federaalka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayey qoyska reer Sayid Cali Sheekh Axmed Mataan ka dalbadeen in laga qabto guddoomiye Jacfar oo ay sheegeen inuu u adeegsano shaarka dowladda xoogna, uu uga saarayo dhulkooda ay sharciga u heystaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this