Sign in to follow this  
Deeq A.

Somalia oo wali kamid ah dalalka ugu musuqa badan

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Warbixin ay soo saartay Hay’adda la dagaallanto musuqmaasuqa ee Transparency International ayaa qiimeysay heerka musuq maasuq ee ku dhawaad 180 wadan oo Soomaaliya ay ku jirto.

Hay’addan fadhigeedu yahay Jarmalka ayaa sameysay qiimeynta iyadoo adeegsaneysa 0 ilaa 100 iyadoo eber ay ka dhigan tahay in uu musuqa dalkaasi aad u sareeyo halka boqolkana ay ka dhigan tahay in musuqa dalkaasi uu aad u hooseeyo.

Hay’ada ayaa warbixinteeda ku xustay in qiyaastii laba ilaa sadex meelood wadama gaaraya uu heerkooda musuq maasuqa ka hooseeyo lambarka 50-aad, taas oo ka dhigan in wadamadaasi aad looga isticmaalo nidaamka musuq maasuqa.

Si akstaba ha’ahaatee, ha’ayadan oo qiimeyntan si sanadle ah u sameysay ayaa u adeegsata qiimeynteeda heerarka ganacsi ee ilaa 180 wadan oo ay qiyaasto heerkooda musuq maasuq, iyo sidoo kale khubaro caalami ah oo qimeynta ka qeyb galay.

Wadamada kaalmaha ugu hooseya ka galay qiimeynta ee musuqooda uu yaryahay ayaa waxaa kamid ah dalalka New Zealnd iyo Denmak oo wada helay 87 boqolkiiba, waxaana kusoo xiga dalalkaasi wadamada Finland oo heshy 86, Singapore oo 85 ka helay qiimeynta halka Sweden iyo Switzerland ay min 85 wada heleen.

Balse dalalka ugu hooseeya ayaa waxaa kamid noqday Soomaaliya oo heshay 9 boqolkiiba, waxaana wehliya South Sudan oo 12 heshay iyo Syria oo 13 boqolkiiba ka helay qiimeynta.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this