Sign in to follow this  
Deeq A.

AMISOM oo tababartay u soo xirtay mas’uuliyiin

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Howgalka nabad ilaalinta midowga Africa ee AMISOM ayaa magaalada Baydhabo tababar laba maalmood socday ugu soo gabagabeeyay xubno ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Tababarka oo laba maalmood socday ayaa waxaa si wadajir ah usoo agaasimay AMISOM oo kaashaneysa xafiiska QM u qaabilsan arrimaha bini’aadanimada uu ku leeyahay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Tababarka oo  ku saabsanaa horumarinta iyo sare u qaadista ka war qabka arrimaha bini’aadanimada ee ka jira deegaanada iyo degmooyinka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Si kastaba ha’ahaatee, tababarka ayaa waxaa ka qeyb galau 27 masuul oo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana kamid ahaa masuuliyiintaasi 15 haween ah oo ka tirsan wasaaradaha haweenka iyo arrimaha bini’aadanimada, amaanka iyo cadaalada  ee Koonfur Galbeed.

Xaflada xiritaanka ee tababarka ayaa waxaa kasoo qeyb galay wasiirka haweenka ee maamulka Koonfur Galbeed Somaaliya Fa’iza Maxamed iyo mas’uuliyiin ka socday maamulka KGS iyo Qaramada Midoobay.

Madaxda maamulka Koonfur Galbeed ee kasoo qeyb galay kulanka ayaa waxay uga mahad celiyeen AMISOM iyo Qaramada Midoobay,dedaalka ay ugu xoojinta ha’yadaha maamulka Koonfur Galbeed Somaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this