Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Ka Qeyb-galay Aaska Marxuum Xildhibaan Axmed Cabdi Casood Oo Ka Mid Ahaa Golaha Wakiillada Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta ka qeyb galay Aas qaran oo loo sameeyey Alle haw naxariistee Marxuum xildhibaan Axmed Cabdi Casood oo ka tirsanaa mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland.

FB_IMG_1579781968300.jpg

Madaxweyne ku xigeenka ayaa guud ahaanba qaranka Somaliland gaar ahaana Qoyskii qaraabadii ehelkii iyo Golihii wakiilada ee uu ka baxay uga tacsiyadeeyey geerida Marxuum Axmed Cabdi Kaahin oo qaranka xilal kala duwan kasoo qabtay, waxaana uu Madaxweyne ku xigeenku sheegay inuu laba jeer soo noqday Xildhibaan sidoo kalena soo qabtay Wasiirka Wasaaradda Ciyaaraha iyo dhalinyarada, waxaana uu xusay inuu ahaa shakhsi wanaagsan oo tacab badan soo geliyey qaranka.

Alle haw naxariistee Marxuum Axmed Cabdi Kaahin ayaa maanta lagu aasay Xabaalaha Baqiic ee Magaalada Hargeysa waxaana Madaxweyne ku xigeenka ku wehelinaayey Aaska, Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax iyo Xildhibaano ka tirsan labada golle ee Wakiilada iyo guurtida.

Allaa Mahad Leh

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this