Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Bayle oo ka warbixiyey kulanka madaxa WFP

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa ka warbixiyey kulan uu la yeeshay wafdi caalami ah.

Wafdiga ayaa ka socday Hay’adda Cunada Aduunka u qaabilsan Qaramada Midoobay ee magaceeda loosoo gaabiyo WFP.

Bayle oo qoraal soo saarey ayaa wuxuu ka warbixiyey qodobadda diiradda lagu saarey is-aragaan lagu sheegay mid muhiim ahaa.

“Waxaan maanta Xarunta W.Maaliyadda ku kulanay u qeybsanaha Hey’adda Cunada Aduunka ee Soomaaliya (WFP) Mr Cesar Arroyo iyo Wasiirka W.Gargaar ka XFS Xamza Saciid Xamza,” ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku daray: “Waxaan ka wada hadalnay sidii loo dar-dar galin lahaa howlaha gargaarka ah ee WFP ay ka wado Soomaaliya”.

Qaramada Midoobay ayaa kamid ah hay’addaha caalamiga ah ee Soomaaliya ka taageera dhanka dowladnimadda iyo horumarinta dhaqaalaha.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this