Deeq A. Posted January 23, 2020 Dhuusamareeb (SMN) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, Dr Maxamed Nuur Gacal ayaa kulan la qaatay saraakiil ka socotay ciidamadda AMISOM. Saraakiishaan ayaa maanta oo Khamiis ah socdaal aan lasii shaacin ku tegay magaaladda caasimadda ah ee Dhusamareb. Kulanka ayaa la sheegay in diiradda lagu saarey ammaanka deegaanada Galmudug gaar ahaan amniga doorashooyinka Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenka. Dhuusamareeb ayaa lagu waddaa in ay maalmaha soo aadan ay martigeliso doorashooyin xasaasi ah, taasoo loogu coddeynayo hogaanka labaad ee maamulkaas. Hoos ka daawo sawirada kulanka View the full article Share this post Link to post Share on other sites