Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda ICJ Oo Maanta Go’aan ka Gaadhaysa Xasuuqqa Muslimiinta Myanmar

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Myanmar)-Maxkamadda ugu sarreysa Qaramada Midoobay, ICJ ayaa Khamiista maanta ah soo saari doonta go’aankeeda ku saabsan xasuuqa loo gaystay muslimiinta Rohingya ee laga tirada badan yahay ee ee ku nool Myanmar.

20200123_142245.jpg

Dacwadda ka dhanka ah Myanmar ayaa waxaa gudbisay Dowladda Gambiya bishii Nofembar ee sanadkii hore iyada oo lagu eedeeyay in Myanmar ay geysatay “xasuuq joogto ah” oo ka dhan ah dadka laga tirada badan yahay ee Muslimiinta Rohingya balse Myanmar ayaa beenisay eedeymahaas.

Waa gabood falo bani aadan nimada ka baxsan oo laga fuliyay dalkaasi inkastoo haweenayda madaxwaynaha ka ah dalkaasi ay dafirayso xaqiiqda jirta.

Inta badan warbaahinta dalkaasi ayaanan ka hadlayn sida ay u arkaan go’aanka kasoo bixi doono maxkamada iyo sida uu dalkooda u saamayn doono.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this