Sign in to follow this  
Deeq A.

ONLF Oo Ku Biirtay Isbahaysi Cusub Oo Lagaga Dhawaaqay Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Jigjiga)-Kadib kulan ka dhacay magaalada Adis-ababa ee caasimadda dalka Itoobiya aya ururka ONLF waxa ay sheegeen in ay si rasmi ah ugu biireen Isbaheysi siyaasadeed oo lagaga dhawaaqay Itoobiya iyaga o ku biiraya Xisbiyada Siyaasadeed eek a jira dalkaas.

Isbahaysigan cusub ee uu ku biiray Ururuka ONLF ayaa lagu magacaabaa Alliance Multination Democractic Federalism (AMDF), waana mid ka mid ah ururada taageera Nidaamka qowmiyadaha badan ee Federaalka Dimuqraadiga ah ee dalka Itoobiya.

Dhinaca kalana Guddoomiyaha guud ee Ururka ONLF  Cabdiraxmaan Sheikh  Mahdi Maadeey, ayaa Ururka ONLF u saxiixay ku biirista Isbahaysigaan Siyaasadeed.

Guddiga doorashada Dalka Itoobiya ayaa ku dhawaaqay in 1-dabisha August sanadkan 2020ka ay dalkaas ka dhaceyso doorashada guud,iyada o Ra’isalwasaaraha Itoobiya Abiye Axmed uu wajahayo tartan culus oo ah kala aragti duwanaanta qowmiyadaha oo kusii fiayo Itoobiya.

ONLF oo ku biirtay Isbahaysi cusub oo looga dhawaaqay Caasimada Itoobiya

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this