Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland oo Maanta Hargeisa ku Geeriyooday+Tacsi M/weyne Muuse Biixi u diray

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland oo Geeriyooday+Tacsi M/weyne Muuse Biixi u diray

TACSI MADAXWEYNE: 23/01/2020
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, golayaasha guurtida, wakiilada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee wasiirkii hore ee wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha muddooyinkii u danbeeyeyna ahaa Xildhibaan, Marxuum Axmed Cabdi Kaahin Casood oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 23/01/2020, Caasimada Somaliland ee Hargeysa. Waxaanu Madaxweynuhu si gaara uga tacsiyadaynayaa geeridaasi golaha wakiilada Somaliland oo uu marxuumku ka tirsanaa.

casood.jpg

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey siyaasi waayo arag ah oo xilal kala duwan ka soo qabtay qaranka Somaliland, kana mid ahaa odayaashii kaalinta weyn ku lahaa dib u dhiskii dalka iyo nabadayntii shacbiga Somaliland.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, golayaasha guurtida, wakiilada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this