Deeq A. Posted January 23, 2020 Kismaayo (SMN) – Ciidamadda Jubaland ayaa lagu waramay in ay xabsi u taxaabeen maamulihii shirkadda Hormuud ee magaalada Dhoobley. Mas’uulkan sarre ee xorriyadiisa dastuuriga ah laga qaadey ayaa waxaa magaciisa lagu soo koobay Sheekh Ismaaciil. Dadka degaanka ayaa Shabelle u sheegay in sababta loo xiray ay tahay in uu ka hadlay burburinta Kenya ku waddaan anteenooyinka shirkada. Shacabka ayaa falka lagu xiray Ismaaciil ku tilmaamay tacadi ka dhan ah Hormuud ay ciidamada Jubaland ku garab-siinayaan dhigooda Kenya. Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan si adag u cambaareysay burburin ay ciidamadda Kenya u geysteen xarumo ay Hormuud ku lahayd Jubooyinka. Maamulka madaxweyne Axmed Madoobe ayaa la sheegay in uu ku guuldareystay wax ka qabashadda xadgudubyadda ay Kenya kula kacayso hantida shacabka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites