Sign in to follow this  
Deeq A.

UN-ka oo “qafiifinaya” xayiraada hubka ee Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Qaramada Midoobay ayaa balanqaadey in ay qafiifineyso cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya, sidda ay sheetay Villa Soomaaliya.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya iyaddoo shalay ay Muqdisho ku kulmeen guddiga UN-ka u qaabilsan arrintaas iyo madaxweyne Farmaajo.

Cabdinuur Maxamed Axmed, agaasimaha warfaafinta madaxtooyadda qaranka, ayaa sheegay in guddigu sheegeen in ay warbixin ku celin doonan golaha guud.

Isagoo hadalkiisa sii wata, afhayeenka hogaamiyaha dalka, ayaa rajeeyay in warbixinta ay noqoto mid sawir fiican ka bixineysa xaalada dhabta ah ee Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in xayiraadan saaran ay caqabad ku tahay dagaalka ay kula jiro kooxaha hubeysan ee loogu yeero argagixisadda.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this